Soo dhowoow


Ururka Dabeecadda Jabuuti – (Association Djibouti Nature) waa urur bulsho oo madax-bannaan, aan faa’iido doon ahayn, siyaasad na ka caagan oo ka hawl gala Jabuuti la aasaasay Diisambar 1999. Wali waa urur “yar” laakiin waa ururka ugu da’da weyn uguna khibradda badan oo ka shaqeeya ilaalinta dabeecadda Ururada bulshada rayidka ah oo si sharci ah dalka looga dhisay. Sidan oo kale iyo sida ku cad hal-ku-dheggiis “Dib u xidhiidhinta dadka iyo dabeecadda.”, Ururka Dabeecadda Jabuuti wax dadaal ah kamay hakran dadaallada qaran ee lagu ilaalinayo dabeecadda iyada oo loo marayo barnaamijyo cilmi baaris oo ujeeddadeedu tahay in lagu barto kala duwanaanta noolaha dalka dhammaantood si kor loogu qaado aqoonta aasaasiga ah ee dhaxalka dabiiciga ah.

Waxay leedahay taariikh muhiim ah oo ku saabsan ilaalinta dabeecadda inta badan laga soo bilaabo noocyada shimbiraha iyo aragtida deegaanka dabiiciga ah. Ka sokow, waxay si hagar la’aan ah ula shaqaysaa bulshooyinka maxalliga ah, hayadaha gaarka loo leeyahay iyo kuwa dawladdaba sannado badan si kor loogu qaado wacyiga badbaadada duurjoogta aan caadiga ahayn ee Jabuuti iyo ilaalinta deegaanka qaaliga ah ee faa’iido u leh jiilalka hadda iyo kuwa mustaqbalka.

Intaa waxaa u dheer, dadaalka dhissida buundada isku xirka dadka iyo dabeecadda is wada nolol ah, Djibouti Nature waxay ku dadaasha inay raadista lacag loogu talagalay mashaariicda horumarinta waara ee maxalliga ah si ay gacan uga geysato hagaajinta xaaladaha nololeed ee bulshooyinka saboolka ah iyo kuwa nugul ee ku nool gobollada gudaha ee dalka halkaas oo nidaamyada deegaanka ee ugu muhiimsan ay weli ka sii jiraan si ay u taageeraan nolol maalmeedka qayb muhiim ah oo ka mid ah dadweynaha reer Jabuuti oo weli ku dhaqma hab-nololeedkii reer guuraaga ee soo jireenka ahaa.

Waxa maamula hay’ad go’aan qaadasho sare leh “Golaha Maamulka” oo xubnahooda la doorto shantii sanaba mar si mutadawacnimo ah oo korka ka maamulaan barnaamijyada iyo mashaariicda ururka. Ssanad walba hawlqabadka iyo barnaamijyada Djibouti Nature waxa kor meera oo ansixiyay hay’ad xissaabeed madax banaan oo xissabsha hantidhawrka.

Dabeecaddu Way Kuu Baaqaysaa: Hal Cod – Hal Dhul – Hal Fursad!

Noola kasta — weyn ama yar — waxuu taageeraa isku dheellitirka meeraha. Aadanuhu ma noolaan karo la’aanta hadiyadaha dabiiciga ah. Codkaaga, ficilkaaga, iyo deeqdaada ayaa ilaalin kara.
Ururka Djibouti Nature, oo ay weheliyaan Conservation Allies (Association Djibouti Nature – Conservation Allies), wuxuu kugu baaqayaa inaad ku biirto hawshan degdegga ah. Wadajir, waxaan ilaalinaa deegaanada nugul, difaacnaa noocyada halista ku jira, taageernaa bulshooyinka nugul, waxaanan xaqiijinnaa meeraha nool ee jiilasha soo socda.
Deeqdaadu Waa Muhiim: Deeq kasta — weyn ama yar — waxay taageertaa ilaalinta, awood siisaa bulshooyinka, waxayna beeraysaa abuurka rajada berri.
Guji halkan si aad u taageerto Ururka Djibouti Nature 👉

Tahniyado iyo Tilmaamo